Obama oo aan ka qaybgali doonin aaska Maxamed Cali

Kalaay iyo Obamma

 

Washington-( Puntland Mirror )Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka maqnaan doona aaska Jimcada dhacaya ee Maxamed Cali isagoo ka qaybgali doona xaflada qalinjabinta gabadhiisa.

Obama iyo Xaaskiisa Michelle ayaa Washington uga qaybgali doona xaflada qalinjabinta gabadhooda Malia, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Madaxweynaha.

La taliye sare oo katirsan aqalka Cad kaasoo loo yaqaan Cali ayaa u gudbiyay qoyska feeryahankii hore waraaq katimid Obama.

Bob Gunnell oo afhayeen u ah qoyska Maxamed Cali ayaa sheegay in Lonnie oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Maxamed Cali in uu khadka taleefoonka kula hadlay Obama uuna uga tacsiyeeyay geerida kutimid qoyska.

Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan iyo Boqor Cabdalaha Labaad ee dalka Urdun ayaa ka qaybgali doona munaasabada aaska taasoo si toos ah loo baahin doono.

Ku dhawaad 15,000 dad gaaraya ayaa ka qaybgali doona aaska oo ka dhacaya Freedom Hall, taasoo ay daba socoto socod lagu marayo wadooyinka magaalada Louisville oo uu ku dhashay feeryahankii hore.

Maxamed Cali ayaa Jimcadii dhoweyd ku geeriyooday magaalada Phoenix ee gobolka Arizona isagoo 74-sanno jir ah. Feeryahankii hore ee saddexda jeer ku guulaystay horyaalka feerka Caalamka ayaa la dhigay isbitaal asbuucii hore isagoo ka xanuunsanayay dhanka neefsashada, wuxuuna muddo 32 sanno ah qabay xanuunka laleemada.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*