Xoghayihii hore ee arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton. [Sawirka: Getty Images]Washington-(Puntland Mirror) Hillary Clinton iyo saygeeda Bill Clinton ayaa ka qeybgali doona caleemosaarka Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ka dhacaysa caasimada Washington 20-ka bishaan 2017.
Mr Trump ayaa Hillary kaga adkaaday doorashadii madaxweynaha ee bishii November ee sanadkii tagay dhacday.
Xoghayihii hore ee arrimaha dibada Mareykanka Hillary ayaan lagu arag fagaarayaasha tan iyo markii uu ka guulaystay Donald Trump.
George W Bush oo ahaa madaxweynihii Obama ka horeeyay iyo marwadiisa Laura ayaa iyana iclaamiyay in ay ka geybgali doonaan munaasabada xil-wareejinta Trump iyo Obama.
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com
Be the first to comment