Madaxweyne Erdogan oo hoggaamiyaha Myanmar kala hadlay dhibbaatooyinka Muslimiinta Rohingya

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Talaado ah hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi kala hadlay dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Wadahadalka oo khadka taleefoonka ku dhexmaray labada hoggaamiye ayaa Erdogan u sheegay Suu Kyi in weerarada sii kodhaya ee loo geysanayo dadka Rohingya ay caro daran ka abuurtay wadamada Muslimiinta dhexdooda.

Labada Masuul ayaa sidoo kale kawadahadlay sidii gargaar insaanimo loo gaarsiin lahaa dadkaas dhibbaataysan ee Rohingya, sida ay ku warantay Anadolu.

Erdogan ayaa cambaareeyay labadaba argagixisanimada iyo isticmaalka xooga aan isbeddelayn. Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday taageerada Turkiga ee ah sidii loo joojin lahaa rabshada ka dhanka ah dadkaas Muslimiinta ah.

Hawlgallada ammaanka ee cusub ee waqooyiga gobolka Rakhine ayaa kiciyay mowjado qaxooti Rohingya oo aaday dalka Bangladesh, oo hadda xuduud u ah xudduudda bari.

Qoxootiga ayaa tilmaamey in askar iyo shufto Buddhist ah ay gubeen tuulooyinkooda waxayna dilayaan dadka rayidka ah si ay dhulkooda xoog uga barakiciyaan.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay Talaadadii, 123,600 Rohingya ah ayaa ka gudbay xadka Bangladesh tan iyo markii ay bilaabmatay dhibbaatadu bishii Agoosto 25.

Rakhine, oo ku yaal galbeedka Myanmar, ayaa waxaa ka dhex muuqday xiisad sii kululaanaysay oo u dhaxeysa  Buddhist iyo Muslimiinta tan iyo markii uu qarxay shuuciyada sanadkii 2012-kii.

Asbuucii lasoo dhaafay, Turkiga ayaa Bangladesh ka codsaday in ay albaabada u furaan  Muslimiinta Rohingya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*