Musuqmaasuq weyn oo hareeyay doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya

Sawir si qarsoon looga qaaday Odayaal Soomaali ah oo qeybsanaya lacago laaluush oo ay ka heleen doorashada. [Sawirka: Twitter]
Sawir si qarsoon looga qaaday Odayaal Soomaali ah oo qeybsanaya lacago laaluush ah oo ay ka heleen doorashada. [Sawirka: Twitter]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kiisas musuqmaasuq oo aad u weyn iyo cabsi gelin codeeyaha ayaa hareeyay doorashooyinka hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya.

Laaluush u dhaxeeya $1,000 – $5,000 ayaa la bixiyay, sida uu sheegay hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Janaraal Nuur Faarax Jimcaale.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa sidoo kale ogaaday in qaar kamid ah musharixiinta ay bixiyeen laaluush ka sareeya $1.3 milyan si ay cod u helaan.

Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa soconayay ilaa iyo bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

Janaraal Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in muasharixiinta qaar ay iyagu soo qorteen ergooyinka codaynaya si ay iyaga ugu codeeyaan.

Walaaca beesha caalamka

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen asbuucii tagay, Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ayaa waxay ku sheegeen in ay ka walaacsanyihiin musuqmaasuqa la sheegay in ay ka jirto doorashada xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayay ku sheegeen in ay si buuxda u taageersanyihiin go’aanada guddiga doorashooyinka dadban iyo guddiga khilaafaadka ee Soomaaliya ay ku sheegeen in la joojin doono natiijooyinka doorashada ee sida khaldan lagu sameeyay.

Soomaaliya ayaan lahayn dowlad qaran oo shaqaysa tan iyo 1991 ilaa iyo markii awooda laga tuuray madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Bare.

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa horey u qorsheeyay in 30-ka bishaan November la qaban doono doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, balse taasi uma muuqato suurtagal marka loo eego tirada xildhibaanada la doortay ilaa iyo hadda iyo qaabka gaabiska ah ee ay u socdaan hanaanka doorashada, waxayna keenaysaa in markii saddexaad ay dib u dhacdo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*