Puntland oo u dabaaldegaysa sanadguuradooda 18-aad, balse ma jirto gaado ka ciyaar ciidan

Shacabka Puntland
Hundreds of Puntland gathering in Brhada square in the capital, Garowe.

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa u dabaaldegaysa sanadguuradeeda 18-aad ee dawladnimo, waxaa la asaasay 1-dii Agoosto, 1991, Garoowe.

Kumanaan reer Puntland ah ayaa isugu soo baxay goobaha ay bulshada ku kulanto ee kuyaala magaalooyinka waa weyn ee Puntland si ay ugu dabaaldegaan sanadguuradooda 18-aad.

Inkastoo ay Puntland soo martay caqabado sanadihii lasoo dhaafay, haddana waxay horumar ka gaadhay arrimaha amaanka, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Dhanka kale, ma jirto gaado ka ciyaar ciidan oo la qorsheeyay si loo soo bandhigo awooda Puntland intii xukuumada Cabdiweli ay xilka haysay.

Khuburada militariga waxay sheegayaan in dowlada hadda jirta ee Puntland ay ku fashilantay daryeelka iyo abaabulka ciidamada.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu caawa fiidkii khudbad ka jeedin doono munaasabada lagu qabanayo xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Kowda August waa maalin fasax ah dhamaan xafiisyada dowlada Puntland iyo in kale oo badan oo ganacsiga gaarka loo leeyahay ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*