Soomaaliya oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya

Wasiirka Warfaafinta DFS Cusmaan Abuukar Dubbe. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedaysay in ay farogelin ku hayso arrimaheeda gudaha, sida Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe uu ku sheegay muuqaal laga sii daayay taleefishinka dowladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka duulaysa madaxbanaanideeda qaran ee uu damaanad qaadayo xeerka iyo qaynuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasiloonida dalka, waxay go’aansatay in ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya.” Ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dhammaan diblomaasiyiinta Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay dalka kaga baxaan muddo todobo beri gudaheed ah, halka kuwa Soomaaliya ee jooga Kenya ay dalka ku soo laabtaan.

Tilaabadan ayaa timid iyadoo hoggaamiyaha maamulka Somaliland uu booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiin sare oo uu kamidyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*