Deegaano kamid ah Nugaal oo roob helay xilli abaar adag ay jirto

Biyo maraya toga Ilmo-adeer roobka kadib. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Deegaano katirsan gobolka Nugaal kuwaasoo kamid ah kuwa ay abaartu aadka u saamaysay ayaa maanta helay roobab fiican, sida dadka deegaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Deegaanada roobka helay ayaa waxaa kamid Buundada Ilmo-adeer, Birta-dheer iyo deegaamo kale oo kuyaala dhanka Hawdka.

Abaarta hadda jirtay oo keentay labbo xilli roobaad oo baaqday ayaa saamayn weyn u geysatay dadka xoolo dhaqatada ah kuwaasoo laf-dhabartooda dhaqaale ay yihiin xoolaha.

Guud ahaan Soomaaliya, ku dhawaad lix milyan oo Soomaali ah ayaa abaartu saamaysay, iyadoo laga cabsi qabsi qabo in xaaladu ay isku bedesho macaluul.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*