Musuqmaasuq balaaran oo hareeyay Haayada Qandaraasyada Puntland

Xafiiska Haayada Qandaraasyada Puntland ee Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Musuqmaasuq baahsan ayaa lagu soo waramayaa in uu hareeyay Haayada Qandaraasyada Puntland, sida  ilo-wareedyo ku dhow haayada ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ilo-wareedka oo codsaday in magacooda aan la sheegin ayaa Puntland Mirror u sheegay in musuqmaasuqu uu saameyn weyn ku yeeshay howl maalmeedka shaqada.

“Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, wax shaqo ah kama aysan jirin haaayada kadib markuu musuqmaasuq weyn uu saameeyay,” ilo-wareedka ayaa sheegay.

“Korontadii iyo khadkii internetka xitaa waa laga jartay xafiiska Haayada,” ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Lacag ku dhow  $40,000 dollar ayaa lagala baxay koontada haayada, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

“Ku dhawaad 40, 000 dollar ayaa qaar katirsan saraakiisha haayada kala baxeen koontada haayada,” ilo-wareedka ayaa sheegay.

Guddiga Haayada Qandaraasyada ayaa Madaxweynaha u gudbiyay cabashada musuqmaasuqa la sheegay in ay sameeyeen qaar katirsan saraakiisha haayada, balse madaxweynaha ayaan wax weyn ka qaban.

Kaddib markii Madaxweynuhu uu wax muuqda ka qaban waayay, saddex kamid ah guddiga Haayada Qandaraasyada ayaa shaqada iska casilay, iyaga oo is casilaadooda u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, ilo-wareedka ayaa sheegay.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxayna ay halkaas joogtay muddo sannooyin ah, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay haayada Transparency International.

Gudaha Puntland, daciifnimada haayadaha dowladda iyo la’aanta haayado rasmi ah oo si fiican u shaqeeya oo dul-meer ku sameeya cida ku howlan musuq-maasuqa, ayaa keentay khiyaanooyinka xad dhaafka ah ee hantida dadweynaha .

Si kastoo ay ahaataba, warsidaha Puntland Mirror ayaa baaritaan ku sameyn doona waxa ka socda Haayada Qandaraaska Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*