Labo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Labo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacay deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Cabdulaahi Cali Axmed oo ah guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ayaa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada dowladda ay dileen labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab kadib dagaal labo beri socday oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Dagaalka ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyadu ay weerar ku qaadeen saldhig milatari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda oo kuyaala deegaanka, sida guddoomiyahu sheegay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyadu ay weerar ku qaadeen tuulooyin badan oo kuyaala deegaanka ayna dileen dad badan oo shacab ah oo ay ka dhaceen xoolahoodii.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa muddo sannado ah u dagaalamayay sidii ay awooda uga tuuri lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho. Saddexdii sanno ee laga soo gudbay, Al-Shabaab ayaa lumisay deegaano badan oo ay ku xooganayd oo kuyaala koonfurta Soomaaliya, balse waxa ay kordhiyeen weerarada argagixiso ee gudaha caasimada Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*