Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool

Garoowe-(Puntland Mirror) ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed ka dhacay deegaano miyi ah oo hoostaga gobolka Sool ee Puntland.

Sida Puntland Mirror ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u sheegeen dagaalka ayaa u dhaxeeya laba jifiyood oo deegaanka ah, waxaana dagaalku uu ka dhacay deegaan la dhaho Dharkeeygeenyo oo katirsan gobolka Sool.

Ilaa iyo hadda inta la ogyahay 20 qof dad kor u dhaafaya ayaa ku dhintay dagaalka in kale oo badana waa ay ku dhaawacmeen sidoo kale waxaa ku barakacay qoysas boqolaal gaaraya.

Dagaalkan ayaa wuxuu salka ku hayaa aanooyin qabiil oo deegaanadaas marar badan ka dhacay.

Dowlada Puntland wali kama aysan hadlin dagaalkaas u dhaxeeya labada jifiyood oo walaalaha ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*