Xisbiga Wadani oo sheegay in wadahadal uu u bilowday iyaga iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Sawirka: Guddoomiyaha xisbiga Wadani ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Hargeysa.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ee Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa u bilaabmay wadahadal, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro oo xalay wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wadahadal uu u bilowday xisbiga iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

“Waxaan u sheegaynaa dhammaan taageerayaasha Wadani iyo shacabka Somailand in maanta wadahadal uu u bilaabmay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo xisbiga Wadani si loo xaliyo codsiga iyo tabashada uu gudbiyay xisbiga Wadani,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ciro.

“Wadahadalkii kowaad waanu yeelanay maanta waanu u gudbinay wixii dareen iyo tabashooyin ah oo aanu u aragno in xaalada lagaga bixi karayo oo ah isqancin kuna saabsan wixii xisbigu dalbaday in ay fuliyaan, waxaan isugu imaanaynaa wadahadal labaad oo aan ku heli doono go’aanka Guddiga Doorashooyinka.” Ayuu ku sii daray.

Gelinkii dambe ee Khamiista, mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka qarxay magaalooyinka waa-weyn ee Somaliland oo ay kamidyihiin Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo kadib markii xisbiga Wadani uu ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in ay taageero siinayaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay rabshadahaas.

Somaliland ayaa Isniintii qabatay doorashadeeda madaxweynaha, saddexda xisbi, Kulmiye, Wadani iyo Ucid ayaa ku loolamaya madaxweynenimada.

Shalay oo Jimce ahayd, kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashadii madaxtinimada Somaliland ee dhacday 13-kii bishaan November ayaa ka codsaday dhammaan xisbiyada siyaasadda in ay qaab sharci ah u maraan si ay u xaliyaaan tabashadooda.

Natiijooyinka kama dambeysta ah ayaa la filayaa in la iclaamiyo maalmaha soo socda, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*