Madaxweynaha Puntland oo kala diray golaha deegaanka Badhan

Golaha Deegaanka Badhan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kala diray golihii deegaanka ee degmada Badhan, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyada maanta oo Isniin ah.

Madaxweynaha ayaa kala diray golaha deegaanka kadib markii lagu soo eedeeyey in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday, digreetada ayaa lagu sii yiri sidaas. 

Madaxweynaha ayaa Cabdirisaaq Axmed Ciise si ku meel gaar ah ugu magacaabay guddoomiyaha Badhan, halka Saynab Cabdi Aar si ku meel gaar ah looga dhigay ku-xigeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*