Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uu hal maalin dib u dhacay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Soomaaliya kaasoo la qorsheeyay in 28-ka October uu ka dhaco Muqdisho ayaa dib u dhacay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Juxa ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah ay soo gaari doonaan Muqdisho dhammaan madaxda maamul goboleedyada, waxaana la filayaa in shirku beri oo Axad ah uu si rasmi ah u furmo.

Qaar katirsan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa tagay Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa la filayaa ilaa galabta in uu gaaro Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa asbuucii lasoo dhaafay iclaamiyay shirkan.

Waxaa jiray khilaaf soo ifbaxayay oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada tan iyo markii intooda badan maamuladu ay la safteen xulufada Sucuudi Caraabiya ee kasoo horjeeda Qatar, halka dowladda dhexe ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaaf Khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*