Xisbiga Wadani ee Somaliland oo sheegay in ay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen Guddiga Doorashooyinka

Sawirka: Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro.

Hargeysa-(Puntland Mirror) Xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa sheegay in ay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Shir jaraaid oo maanta oo Khamiis ah ay masuuliyiin katirsan Wadani ku qabteen magaalada Hargeysa, ayay ku eedeeyeen Guddiga Doorashooyinka in ay la safanyihiin xisbiga Kulmiye, waxayna sheegeen in ay jiraan musuq maasuq la sameeyay.

Masuuliyiinta Wadani ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay ka jawaabi waayeen cabashooyinka ay u gudbiyeen.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Somaliland ilaa iyo hadda.

Arrinta ayaa imaanaysa iyadoo dadweynaha reer Somaliland ay sugayaan natiijada ugu dambeysa ee doorashadii dhacday maalintii Isniinta.

Goobjoogayaal caalami ah oo gaarayay ku dhawaad 60 kuwaasoo ka kala yimid 27 dal ayaa bayaan ay soo saareen ku ammaanay qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*