Nabadoon lagu dilay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxo hubaysan oo aan la aqoon cida ay yihiin ayaa xalay oo Axad ahayd nabadoon ku dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Faarax ayaa kooxo baastoolado ku hubaysan waxay ku toogteen xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid xilli uu gurigiisa ku sii socday, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka cararay goobtii ay dambiga ku sameeyeen.

Wali lama oga cidda ka dambaysa dilkaas, waxaa socda baaritaano ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab oo horey weeraro dilal ah oo kan lamid u qaaday ayaa looga shaki qabaa dilkaas loo geystay nabadoonka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*