Xubin muhiim ah oo katirsan maleeshiyada ISIS oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Puntland

Dagaalyahano katirsan maleeshiyada ISIS ee ku dhuumanaysa buurha Golis, Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xubin muhiim ah oo katirsan maleeshiyada ISIS ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed, sida taliska Mareykanka ee Afrika ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

Duqeynta ayaa Sabtidii ka dhacday buuraha Golis ee Puntland, sida ay talisku sheegeen.

“Wakhtigan, waxaa la ogaaday in duqeynta lagu dilay hal xubin oo argagixiso ah kaasoo kaalin weyn ka ciyaaray howl fududeynta kooxda.” Taliska ayaa sidaa yiri.

Milatariga Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee gudaha Puntland bilihii la soo dhaafay, iyaga oo dilay in ka badan 20 maleeshiyo ah oo katirsanayd ISIS iyo Al-Shabaab.

Bishii April, Cabdixakiin Dhuqub oo ahaa hoggaamiye ku xigeenka ISIS ee Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar duqeyn ah.

Weerarka Sabtidii ayaa yimid hal maalin kadib markii Janaraal Stephen J. Townsend uu qabtay xafiiska taliska Mareykanka ee Afrika, isaga oo badalay Waldhauser kaasoo saddexdii sanno ee la soo dhaafay taliska hoggaaminayay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*