Tirada dhimashada weerarkii Al-Shabaab ee magaalada Afgooye oo gaartay 15 qof

al-shabab
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dadkii la dilay kadib weerar dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose shalay oo bishu ku beegnayd 18-ka Oktoobar ayaa gaartay 15 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

“Tirada dadka ku dhintay weerarka ayaa hadda gaaraysa ugu yaraan 15 qof iyo 30 kale oo dhaawac ah,” sarkaal caafimaad oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sidaa Puntland Mirror taleefoonka ugu sheegay.

Waxa uu sheegay in dad shacab ah iyo saraakiil dowlada Soomaaliya ahaa ay ku jiraan dadka ku dhimatay weerarkii  Afgooye ka dhacay shalay oo Talaado ahayd.

Weerarkii shalay ayaa ku bilaabmay kadib markii qof isa-soo biimeeyay oo saarnaa gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa uu isku qarxiyay xarun booliis, kadibna dagaalyahano Al-Shabaab ah ayaa weerar ku qaaday goobta.

AMISOM ayaa bogga Twitter-ka ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay hadda gacanta ku hayaan magaalada Afgooye kadib markii maleeshiyaadkii ay ka carareen.

Afgooye ayaa ah magaalo beereed, taasoo qiyaastii 30km dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*