Wasiirka warfaafinta DFS oo sheegay in bilowga bisha August hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida ay shir ku yeelan doonaan Muqdisho

Maareeye
Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Sawirka: Sonna.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in bilowga bisha August shir looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya 2016-ka lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Maareeye oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ayaa sheegay in shirkaas muhiimadiisu tahay sidii loo dhagaysan lahaa fikradaha guddiga qaran ee doorashada.

“Shirka soo socda kaasoo lagu qaban doono caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, labada ilaa afarta bisha August waa shir muhiim ah, kaasoo si rasmiya u quseeya dhagaysiga fikradaha guddiga doorashooyinka, waxaana si weyn u rajaynayaa in fikradahooda ay noqon doonaan kuwa faa’iido aad u leh hor u socoshada Soomaaliya,” wasiir Maareeye ayaa sidaa yiri.

Wuxuu intaas ku daray in shirkaas ay kasoo qaybgali doonaan hoggaamiyaasha dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xilligii lagu balansanaa qabashada doorashada Soomaaliya ayaa u muuqata in ay dib u dhacayso ilaa iyo bisha December ee sanadkan sida ilo-wareedyo diblomaasi dhawaan u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*