Cabdiraxmaan Bayle: Doorashada madaxweynuhu waxay u dhici doontaa si xalaal ah

Beyle
Cabdiraxmaan Bayle: Doorashada madaxweynuhu waxay u dhici doontaa si xalaal ah. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guuddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ay si xalaal ah u dhici doonto.

“Murashixiintu waxa ay hor imaanayaan meel cadaan ah, xildhibaanada warqad baa loo dhiibayaa, warqadaas bay magac ku soo calaamadinayaan, dib bay u soo celinayaan, sanduukhay ku ridayaan, hadhowna waa la tirinayaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bayle.

“Marka wax intaas ka duwan oo anigu oran karo waa uu dhacayaa majiro, marka dee mala awaal baa iska jira, sida imminka wax u socdaan waa ka digtoonaan doonaa in inta aan sheegay  wax ka duwan ay ka dhacaan golaha.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayna, Mr Bayle ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xildhibaanadooda, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay dooran doonaan qof dalka lagu aamini karo.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 8-da bisha Febaraayo ee soo socota.

Ku dhawaad 24 musharixiin ah oo ay kamidyihiin Madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha imminka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*