Waiyaha Al Jazeera Xamsa Maxamed oo laga sii daayay xabsi kuyaala Muqdisho

nusoj
Xoghayaha uruka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimow iyo Xamsa Maxamed kadib markii xabsiga laga soo daayay. [Xuquuqda Sawirka: Macalimow]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wariyaha taleefishinka Al Jazeera Xamsa Maxamed ayaa laga sii daayay xabsi kuyaala Muqdisho oo ay ku hayeen haayadaha amaanka Soomaaliya.

Maxamed oo haysta dhalasho British ah, ayaa la xiray subaxnimadii Arbacada isaga, darawal, martigeliye iyo sawir-qaade.

Waxaa uu Soomaaliya joogay muddo asbuuc ah isaga oo loo soo diray shaqo soo warbixin ah.

Maxamed ayaa badanaa u safrayay gudaha Soomaaliya sanadadii u dambeeyay si uu Al Jazeera ugu soo tabiyo siyaasada, dhaqaalaha iyo dhaqanka, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay shabakada warbaahinta Al Jazeera shalay oo Arbaco ahayd.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Al Jazeera ku wargelisay in Maxamed su’aalo la weydiinayo laakiin ma jirto eedaymo ka dhan ah isaga oo lagu soo oogay.

Soomaaliya ayaa lagu tixgeliyaa meelaha ugu khatarta badan ee wariyeyaasha.

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyay soo sii deynta Xamsa Maxamed iyo saxiibadiisa kale ee shalay la xiray, sida boogiisa Facebook uu ku sheegay xoghayaha ururka Maxamed Ibraahim Macalimow.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*