Mareykanka oo sheegay in liiska argagixisada uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo kamid ah hoggaamiyaasha Al-Shabaab

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa shalay oo Jimce ahayd sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo kamid ah hoggaamiyaasha ururka Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sanadihii lasoo dhaafay aan xiriir fiican la lahayn ururka Al-Shabaab kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaas oo Mareykanku duqeyn ku dilay sanadkii 2014-kii.

Waxaa la rumeysanyahay in uu in dhoweyd ku sugnaa deegaano kuyaala gobolka Bakool oo uu asal ahaan  kasoo jeedo.

Bishii June ee sanadkii 2012-kii ayaa Abu Mansuur Mareykanku waxa ay ku dareen liiska dadka ay doonayaan waxaana madaxiisa la dul saaray shan milyan oo Dollar (5,000,000).

Taariikh kooban

Waxa uu ku dhashay sanadkii 1960 gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sanadkii 1996 waxa uu saldhigii ugu horeeyay ee xirfadlenimada tababarka maleeshiyada ka furay gudaha Xudur.

Sanadkii 1998 waxa uu hoggaamiye ka ahaa dagaalkii Gedo ee dhexmaray dhaqdhaqaaqa maleeshiyada ee ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ee degmada Luuq iyo gobolka Gedo.

2001 ilaa 2002, waxa uu u safray dalka Afkaanistaan si uu tababar ugu soo qaado waxaana uu ka soo qeybgalay dagaalkii Afkaanistaan ee ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

2002 ilaa 2004, waxaa la rumeysanyahay in uu Scandinavia qaxooti ku ahaa, gaar ahaan dalka Finland.

2006 waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka iyo masuulka Arrimaha Amniga gudaha ee ururkii Maxaakiimta Islaamka.

Sanadkii 2008 waxaa loo magacaabay afhayeenka ururka Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*