Askar katirsan ciidanka Danab oo lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Jubbaland

Ciidamada Danab. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan askari oo katirsan ciidanka Danab ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Jubbaland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan laamaha ammaanka.

Weerarka ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay deegaanka Janaay Cabdale oo qiyaastii 60 kiilomitir u jira magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka, ayaa sheegtay in afar askari oo Mareykan ah ay ku dhinteen weerarkaas, balse ma jirto warar madax-banaan oo xaqiijin kara.

Ciidamada weerarka lala beegsaday Danab, oo ah ciidan si gaar ah u tabobaran, ayaa waxaa dhanka tababarka iyo saadka ka taageera Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*