Madaxweyne Deni: Puntland qeyb kama ahan dagaalka gobolka Sool

Deni, Puntland
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay munaasibad lagu soo bandhigayay qorshaha horumarinta Boosaaso. [Isha Sawirka: Puntland State House]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Puntland aysan qeyb ka ahayn dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasibad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo dadka deegaanka iyo maamulka Somaliland, isagoo ku eedeeyay in Somaliland ay dambi dagaal ka samaysay magaalada Laascaano.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo marar badana dowladda Puntland cadaysay dagaalkaas dowladda Puntland qeyb kama ahan kamana mid noqon doonto,” ayuu yiri Siciid Deni.

Waxa uu sheegay in dadka gobolka Sool ay ku filanyihiin in ay difaacaan gobolkooda, haddii ay taageero weydiistaan Puntland ay aqbali doonto.

“Marka ay isimada iyo garaadadu ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan waxaan cadaynayaa in aan diyaar u nahay.”ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay aqbalayso in dadka gobolka Sool ay aayahooda iyagu ka tashtaan.

“Gobolka Sool waxa uu ku cadeeyay in ay ka baxdo Somaliland kadibna ay go’aan ka gaaraan masiirkooda, waanu aqbalaynaa anagu waayo marna ma rabno in aan ku khasabno dadkeena waxaysan raali ka ahayn in aan ku jujuubno, anagoo ogsoon in dastuurkeena uu qorayo in ay Puntland katirsanyihiin, ayaan raali ka nahay in ay ka tashadaan aayahooda, go’aanka ay qaataan baanu kula shaqaynaynaa.” Ayuu yiri madaxweynuhu.

Ku dhawaad 160 qof oo u badan dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal muddo bil ka socday magaalada Laascaanood oo u dhaxeeyay bulshada SSC-Khatumo iyo ciidamada maamulka Somaliland oo muddo 15 sanno ah haystay Laascaanood kadib kacdoon shacab oo bishii December ka qarxay magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*