Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal ka bilaabay gudaha magaalada Gaalkacyo

Askari katirsan ciidamada Puntland oo howlgal ku jira gudaha Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gudaha magaalada Gaalkayo ka bilaabay howlgalo ujeedkoodu yahay ugaarsiga xubnaha argagixisada ah ee xiriirka la leh maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Intii uu socday howlgalku, ciidamada ammaanka ayaa xiray tobonaan xubnood oo loo maleynayo in ay xiriir la leeyihiin argagixisada, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Howlgalka ayaa kusoo beegmaya hal maalin kadib markii ganacsade la dhihi jiray Cabdirisaaq Axmed Nuur la dilay markii walxaha qarxa gaarigiisa loogu xiray gudaha Gaalkacyo.

Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, Gaalkacyo ayaa aragtay mowjado weeraro ah oo lala eegtay saraakiisha dowladda iyo shacabka, waxaana masuuliyadooda sheegatay ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*