Mareykanka oo sheegay in ay duqeymo ka dhacay Soomaaliya ku dileen 62 maleeshiyo Al-Shabaab ah

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in ay 62 maleeshiyo ah ku dileen lix duqeymood oo Sabtidii iyo Axadii ka dhacay deegaanka Gandarshe oo kuyaala gobolka Banaadir.

Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay in afar duqeymood la qaaday Sabtidii, lagu dilay 34 maleeshiyo ah, halka in ka badan labo duqeymood oo kale oo Axadii la qaaday, lagu dilay 28.

“Taliska Afrika iyo saaxiibadooda Soomaaliya waxay qaadeen duqeymahaan si ay uga hortagaan argagixiso deegaanada miyiga ah gabaad ka dhiganayay si ay u qorsheeyaan weeraro mustaqbalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Africom.

Weerarka oo ahaa kii ugu khasaraaha badnaa ee soo gaara maleeshiyada, wax khasaare ah kama soo gaarin dadka rayidka ah, sida lagu sheegay bayaanka.

“Wakhtigan waxaanu qimeynaynaa in duqeymahaan aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman wax shacab ah,”

Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka fulinayay weeraro cirka ah oo joogto ah oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo dagaal kula jirtay Al-Shabaab muddo sannooyin ah.

Bishii lasoo dhaafay, Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen 37 maleeshiyo Al-Shabaab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*