Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo Puntland safarkiisii ugu horeeyay ku yimid

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo xabadka gelinaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah socdaal rasmi ah ku yimid magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaaladaha abaarta ee ka jirta Puntland iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

“Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland.” Sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Safarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Xasan Shiikh ku yimaado Puntland tan iyo markii la doortay 15-kii May. Waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda Puntland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*