Jawaari oo beeniyay in uu iscasilayo

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu iscasilayo, sida lagu sheegay bayaan xafiiskiisa kasoo baxay Sabtidii.

“Waxaan ka war helnay in warar been ah lala wareegayo Baraha Bulshada kuwaasoo sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu is casilayo. Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu beeninayaa warkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf xoogan ayaa ka dhexjiray baarlamaanka iyo xukuumadda kadib markii qaar katirsan golaha baarlamaanka oo u badan wasiiro ay mooshin ka keeneen Jawaari.

Sabtidii ayaa ayaa lagu balansanaa in baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan Muqdisho si ay codka kalsooni siinta ah ugu qaadaan guddoomiye Jawaari balse kulanka ayaa baaqday kadib markii uu soo farogeliyay Madaxweyne Farmaajo.

Ma cadda weli in mooshinku uu sidaas ku joogsaday iyo in dib cod looga qaadi doono, waxaana socda wadaxaajood u hoggaaminayo Madaxweynuhu oo u dhaxeeya dhinacyada is khilaafsan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in beesha caalamku ay Farmaajo ku cadaadisay in uu dhexgalo ismari waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya haayadaha dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*