“Kadib qiimeyn ballaaran oo ku saabsan howlgalkii ay hoggaaminayeen Ciidamada Qaranka Soomaaliya ee Bariire, Soomaaliya, 25-kii Agoosto 2017 iyo eedeymaha la xiriira dhimashada dad shacab ah, Taliska Howl-galka Gaarka ah ee Maraykanka (SOCAF) ayaa soo gabagabeeyay in khasaaraha uu gaaray dagaalyahano hubaysan oo cadow.” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Ka hor inta aan hawlgallo lala sameyn ciidamada saaxiibada ah, SOCAF waxay diyaarisaa qorshe iyo isku-duwid faahfaahsan si loo yareeyo suurtagalnimada khasaaraha shacabka iyo in la hubiyo in la raaco Sharciga Khilaafka hubka. Taliska Mareykanka ee Afrika iyo Waxaada Gaashaandhiga ayaa qaata eedeymaha khasaaraha dadka shacabka si aad u culus.” ayaa lagu sii daray bayaanka.
Howlgalkii Bariire, ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay.
Dabayaaqadii bishii Agoosto, Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dadkii lagul dilay Bariire ay ahaayeen shacab, waxayna balanqaadeen in magdhow la siin doono ehelada dadka dhintay.
Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday masuuliyiinta Soomaaliya oo ku saabsan bayaanka Mareykanka.