Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho si uu uga qeybgalo shirar ka dhici doona halkaas

Sawirka: Mar hore oo Madaxweynuhu tagay Muqdisho.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa manta oo Sabti ah tagay magaalada Muqdisho.

Kahor inta uusan ka dhoofin Garoowe, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Muqdisho uga qeybgalayo shir ku saabsan amniga qaranka iyo shir kale oo ay isugu imaan doonaan beesha caalamka iyo madaxda Soomaalida.

“Waxaan ku socdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha caalamka iyo madaxda Soomaalida, iyo sidoo kale shirkii amniga qaranka oo arimaha ugu muhiimsan oo looga hadlayo ay noqon doonto nabdgelyada dalka, xasilinta iyo geedi socodka dowladnimadda Soomaaliya, shirkaas oo labo maalmood ah, kabacdina waxaa dhici doona shirkii beesha caalamka iyo madaxda Soomaalida oo dhammaandoona bisha 5-teeda ah.” Ayuu yiri madaxweynuhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*