DFS oo sheegtay in ay dhintay lacagtii khasabka ah ee Al-Shabaab qaadato

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xayirtay dhaqaalihii kooxda Al-Shabaab ay ka heli jireen meelo kala duwan oo kamidtahay kastamyada.

Shir jaraa’id oo maanta oo Khamiis ah uu qabtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala ayuu ku sheegay in la dhimay kala bar lacagaha Khasab ah.

Maleeshiayada Al-Shabaab ayaa la sheegay in malaayin dollar oo lacago khasab ah ay ka hesho meelo ay kamidtahay dekada Muqdisho.

Bishii Janaayo sanadkan 2023, Raysulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare ayaa sheegay in 250 akoon oo ay Al-Shabaab ku lahayd afar banki oo maxalo ah la xiray.

Al-Shabaab ayaa lagu qiyaasay in ay $100 milyan oo dakhli ah ay hesho, sida ay warbixin sanadeedkii 2022 ku sheegeen Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cunoqabataynta hubka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*