Ciidamada PSF oo sheegay in 41 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Buuraha Caalmadow

Gaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada PSF oo ku sugan deegaanada Buuraleyda ah. [Sawirka: Facebook/psf]
Garoowe-(Puntland Mirror) 41 dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Buuraha Caalmadow, Ciidamada Amaanka Puntland ayaa bayaan ku sheegay maanta oo Sabti ah.

“Ciidamada Amaanka Puntland ee PSF ayaa howgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Maraje ee Buuraha Caalmadow si looga jawaabo weerarkii xalay lagu qaaday saldhig ay lahaayeen ciidamada PMPF ee Puntland,” sidaa ayaa PSF ku tiri bayaanka.

“41 dagaalyahan oo katirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay inta uu socday howlgalkii maanta oo sabti ah,” ayaa bayaanka lagu sii yiri.

Sabtidii, ugu yaraan shan katirsan ciidamada Puntland ayaa geeriyootay kadib markii maleeshiyaad Al-Shabaab ah ay weerareen saldhig ciidan oo kuyaala deegaanka Bali-Khadar ee Buuraha Galgala, ilo-wareedyo ciidamada katirsan ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*