Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday saldhiga oo la dhaho Simba oo kuyaala Lamu.
Haayadaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in milatariga Kenya ay weerarkaas iska difaaceen.
Ma jirto warbixin sheegaysa in cid Mareykan ah ama Kenyaati ay ku dhinteen weerarka. Saldhiga ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen shaqaale ciidan oo Mareykan ah oo gaaraya 100 qof.
Warar hoose oo ka yimid ciidamada Kenya oo ay heshay wakaalada wararka AP ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ay kala la haayeen Mareykanka iyo Kenya iyo labo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Mareykanku lahaa iyo sidoo kale baabuur badan oo Mareykanku lahaa lagu burburshay weerarka.
Al-Shabaab ayaa masuuliyada weerarkaas sheegatay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay subaxnimadii hore ee Axada oo lagu daabacay warbaahintooda.