Shiinaha oo saldhigiisii milatari oo ugu horeeyay oo dalka dibadiisa kuyaala ka furan doona dalka Jabuuti

Ciidamada Badda Shiinaha. [Sawirka: Archive]
Beijing-(Puntland Mirror) Shiinaha ayaa saldhigiisii milatari ee ugu horeeyay oo dalka dibadiisa kuyaala ka furan doona dalka Jabuuti, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Maraakiib dagaal oo ay saaranyihiin ciidamo Shiinaha u dhashay ayaa ku sii wajahan Jabuuti, sida ay ku warantay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Shiinaha ayaa sheegay in saldhiga ay u adeegsan doonaan nabad ilaalinta iyo gargaarka aadanaha ee Afrika iyo Galbeeda Aasiya.

Sidoo kale waxay u adeegsan doonaan iskaashiga milatari, dhoolatusyada ciidanka badda iyo howlgalada samata-bixinta ah, sida ay ku wararntay Xinhua.

Shiinaha ayaa ayaa kor u qaaday maalgelinta gudaha Afrika, sidoo waxa uu kordhiyay joogitaankiisa milatari ee Afrika intii lagu guda jiray sanadihii u dambeeyay.

Wakaalada wararka Xinhua ayaa sheegtay in maraakiibta ay kasoo shiraacdeen magaalo xeebeedka Zhanjiang ee kutaala gobolka koonfureed ee Guangdong ee Shiinaha shalay oo Talaado ahayd.

Xibhua ma aysan qeexin tirada ciidamada iyo maraakiibta ku wajahan Jabuuti, sidoo kale ma aysan sheegin meesha ay ka bilaabi doonaan howlgalada marka ay halkaas tagaan.

Saldhiga milatari ee Jabuuti ayaa yimid kadib heshiis saaxiibtinimo oo dhaxmaray labada dal sanadihii lasoo dhaafay. Waxaana wararku sheegayaan in saldhiga dhismihiisa la bilaabay sanadkii lasoo dhaafay.

Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa saldhigyo milatari ku leh wadamada Mareykanka, Faransiiska, iyo Japan.

Jabuuti oo ah dal aad u yar baaxada dhul ahaaneed oo kuyaala Geeska Afrika, ayaa lagu doortay meesha uu istiraatiiji ahaan kuyaala oo ah meel u dhow marinka ugu mashquulka badan ee maraakiibta caalamka. Sidoo kale waa dal xasiloon marka loo eego wadamada kale ee gobolka.

Shiinaha ayaa gudaha Afrika ka dhisay waddooyin tareen oo aad u waa-weyn oo isku xira waddamo kuyaala qaarada, waxaana kamid ah mid isku xira Jubuuti iyo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, sidoo kale waddooyin tareen oo isku xira Angola, Nigeria, Tanzania iyo Zambia.

Taas badalkeeda, Afrika ayaa Shiinaha siisa khayraadka dabiiciga ah, sida macdanta iyo tamarta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*