Taliyaha ciidamada Puntland Janaraal Siciid Dheere oo u tartamaya madaxtinimada Puntland

Taliyaha ciidamada Puntland Janaraal Siciid Maxamed Xirsi. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada Puntland Janaraal Siciid Maxamed Xirsi, oo loo yaqaan Siciid Dheere ayaa maanta oo Axad ah sheegay in uu yahay musharax doorashada madaxtinimada Puntland ee sanadka 2018.

“Kadib markii aan talosoojeedino badan ka helay dad kala duwan oo iga codsaday in aan u tartamo madaxweyne, maanta waxaan iclaaminayaa hamiga aan u qabo madaxtinimada Puntland,” ayuu ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay Garoowe.

Janaraal Siciid Dheere, oo ah nin ciidan oo aad loo yaqaan, ayaa sanooyin badan ka shaqeynayay ciidamada Soomaaliya iyo Puntland.

Mar la weydiiyay in uu iska casilay xilka uu hadda hayo, Siciid Dheere ayaa sheegay in uu weli yahay taliyaha ciidamada Puntland.

Doorshada soo socota ee madaxtinimada Puntland ayaa la filayaa in la qabto bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*