Mareykanka oo duqeyntii ugu horeysay ee Soomaaliya sanadka cusub ku dilay labo maleeshiyo oo Al-Shabaab ah

Mareykanka oo duqeyntii ugu horeysay ee Soomaaliya sanadka cusub ku dilay labo maleeshiyo oo Al-Shabaab ah. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa qaaday weerar duqeyn cirka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah bayaan ku sheegay.

Weerarka ayaa Talaadadii shalay ka dhacay meel qiyaastii 50 km dhanka galbeedka uga beegan caasimada Muqdisho, waxaana lagu dilay labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay ayaa sidoo kale lagu burburshay duqeynta, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Weerarkan ayaa ahaa kii kowaad oo Mareykanku ku qaado maleeshiyada Al-Shabaab sanadka cusub 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*