Khilaaf ku saabsan ololaha doorashada madaxtinimada oo ka dhex qarxay Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid

Khilaaf ku saabsan ololaha doorashada madaxtinimada oo ka dhex qarxay Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid. [Sawirka: Puntland Mirror]
Khilaaf ku saabsan ololaha doorashada madaxtinimada oo ka dhex qarxay Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa soo baxay labadii maalmood ee u dambaysay.

Khilaafka oo ku saabsan tartanka madaxtinimada ayaa yimid iyadoo ay socoto ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhowrka jeer dib u dhacday.

RW Sharmaake oo shalay oo Sabti ahayd kulan kula yeeshay magaalada Kismaayo xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose ee Jubbaland laga soo dooraty ayaa sheegay in dalka uu u baahanyahay isbdel xagga hoggaanka isaga oo xusay hoggaankii afarta sanno ee lasoo dhaafay ee madaxweyne Xasan Shiikh uu dalka dib u dhac ballaaran geliyay.

Sharmaake ayaa carabka ku adkeeyay in dalka uu u baahanyahay madaxweyne aragti uu dalka ku hoggaamin karo leh.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa lagu sheegay in RW Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo masuuliyada uu u hayo dalka.

“Waxaa wanaagsan inuu Raysulwasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Raysulwasaarinimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xasan Shiikh.

Xasan Shiikh ayaa bishii September 2012-kii loo doortay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo bishii December 2014-kii Xasan Shiikh uu Raysulwasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid kadib labo Raysulwasaare oo soo maray dalka intii uu madaxweynaha ahaa.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa labaduba hadda u taagan madaxtinimada Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*