Uhuru Kenyatta oo sheegay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in uu dhaho in ciidamada Soomaaliya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Isaga oo idaacada VOA News kula hadlay gudaha magaalada Washington, DC, Uhuru ayaa sheegay in uu rajeynayo in ay ka baxaan Soomaaliya wakhtiga ugu dhow uguna macquulsan.

“Waxaanu rajeynaynaa in aan ka wada shaqeyno dowladda Soomaaliya si aan gacan uga geysano xoojinta ammaankooda si ay awood ugu yeeshaan in ay hagaajiyaan dalkooda. Intaas kadib dib ayaan ugu noqon doonaa xadkeena waxaana yaraanaya kharashaadka naga baxaya,” ayuu yiru Uhuru.

“Macquul maahan in aanu sheegno marka ay noqon doonto wakhtiga ka bixitaanka. Waxay ku tiirsantahay in anagu aanu ka adkaano Al-Shabaab, dadka Soomaaliyeedna ay awood u yeeshaan, adkeynta dhismaha ammaanka, ciidamada qaranka iyo dhismaha maamul wanaaga,” ayuu ku sii daray.

Kenya ayaa waxaa ka jooga kumanaan ciidan gudaha Soomaaliya kuwaasoo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*