Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo tagay magaalada Buuhoodle – Video

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo tagay magaalada Buuhoodle. [Sawirka: Screen-shot]
Buuhoodle-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa shalay oo Isniin ahayd tagay magalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa halkaas waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay dad weynaha reer Buuhoodle, masuuliyiinta dowladda iyo odayaasha dhaqanka.

Camay oo khudbad u jeediyay dadka deegaanka Buuhoodle ayaa arrimo badan ka hadlay oo ay kamidyihiin waxyaabaha dowladda Puntaland ay ka qabatay gudaha Buuhoodle.

“Waxaan filayaa reer Buuhoodle in aysan ka daahsoonayn wixii Puntland ay u qabatay, waxaanu dhammeystirnay waddo labo kiiloomitir ah, Wasaaradda Deegaanka waa dhammeystirnay, MCH waa dhammeystirnay, Gurigii Odayaasha waa dhammeystirnay sidoo kale waxaan dhisnay iskuulo iyo ceelal, intaas waxaa noo dheeraa oo ay qabatay dowladdu ceelka dhandhan, intaas waxaa sii dheer gaadiid faro badan oo la siiyay haayadaha dowladda ee ka jira Buuhoodle.” Ayuu yiri Camay.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Buuhoodle uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, kaasoo dilay dad gaaraya ilaa boqol qof.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*