Wakaaladaha wararka Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday

Wakaalada wararka Turkiga (Anadul) ayaa heshiis iskaashi ah la saxiixatay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya intii lagu guda jiray booqashadii madaxweyne Rajib Dayib Erdogan uu ku tagay Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Anadul Senol Kazanci iyo agaasimaha wakaalada wararka qaranka Soomaaliya (SONNA) Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa jimcadii heshiiska ku gaaray in labada wakaaladood ay isa siiyaan qoraalada, sawirada iyo muuqaalada.

Xaflada oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*