Ciidamada nabadsugida Soomaaliya oo ku fashiliyay Muqdisho weerar gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay

NISA army
Ciidamada nabadsugida Soomaaliya ee NISA. Sawirka: gettyimages.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada haayada nabadsugida Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar gaari qarax laga soo buuxshay ayna qabteen qofkii rabay inuu isku biimeeyo huteel ku yaala caasimada Soomaaliya, Muqdisho, sida uu sheegay sarkaal.

Afhayeenka dowlada hoose ee Muqdisho, Cabdifataax Cumar Xalane oo la hadlay wakaalada wararka Sonna ayaa sheegay in qofkii isqarxin lahaa uu hadda ku jiro gacanta ciidamada NISA su’aalana la weydiinayo.

“NISA waxay qabteen gaari laga soo buuxshay aalado qarxa iyo qof al-Shabaab ah kaasoo rabay inuu weerar ku qaado huteelka Maka al-mukarama ee Muqdisho”  ayuu yiri afhayeenka, waxaa halkaas ka jiray kulan u dhaxeeyay isimo iyo siyaasiyiin, NISA ayaa baaraysa kiiska, ayuu ku daray.

Kani waa weerarkii labaad oo qarax gaari laga soo buuxshay oo ay NISA fashiliso 24-saac gudahood. Shalay ayay ahayd markii ciidamada NISA ay ku fashiliyeen gaari kale oo walxaha qarxa laga buuxshay kaasoo ay ciidamada ku qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaala daafaha Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*