Jarmalka oo $76 milyan u balanqaaday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibada Jarmalka Sigmar Gabriel oo kulan Muqdisho kula yeeshay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Jarmalka ayaa sheegay in ay 70 milyan oo lacagta Euro ah oo dhiganta ($76) milyan oo dollarka Mareykanka ay siin doonaan Soomaaliya si gacan looga geysto abaarta iyo cunto la’aanta ka jirta gudaha Soomaaliya.

Balanqaadka ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Jarmalka Sigmar Gabriel oo maanta oo Isniin ah safar ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waxaanu diyaar u nahay in aan bixino lacagtaas dhan 70-ka milyan oo aan ugu deeqnay Soomaaliya.” Ayuu yiri Sigmar Gabriel oo kulan la yeeshay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*