Shan qof oo ku dhimatay weeraro ay Al-Shabaab ka geysatay Muqdisho

Goobta uu weerarka ka dhacay ee degmada Kaxda. [Isha Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo badan oo booliis iyo barkantaroolo amni oo kuyaala Muqdisho habeenimadii Arbacada, sida ay sheegeen saraakiil katirsan booliiska.

Shan qof oo labo caruur ay yihiin ayaa lagu dilay weerarada oo ahaa labo, mid uu ka dhacay saldhiga booliiska degmada Kaxda halka mid kale lala beegsaday degmada kale ee Daarusalaam.

Maleeshiyada Al-Shabaan oo muddo ka badan toban sanno weeraro ka wada Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada weeradaas, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil katirsan maleeshiyada.

Weerarada ayaa yimid iyadoo doorashada baarlamaanka ee dadban ay ka socoto caasimada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*