Garaad Guud ee SSC oo ku laabtay Lascaano 15 sanno kadib

Garaad Jaamac oo sita calanka Soomaaliya. [Isha Sawirka: Facebook]

Laascaano-(Puntland Mirror) Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee gobolada SSC ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu laabtay magaalada Laascaano halkaas oo uu ka tagay 15 sanno kahor markii ay qabsadeen maamulka Somaliland.

Boqolaal shacab ah ayaa garaadka ku soo dhaweeyay duleedka iyo magaalada dhexdeeda kuwaasoo sida calanka Soomaaliya. Waxaa la filayaa in uu ka qeybgalo shir u dhaxeeya isimada SSC oo ka furmi doona magaalada kaasoo looga arrinsan doono mustaqbalka gobolada.

Asbuucyadii u dambeeyay magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka dhacayay dhaqdhqaaqyo banaanbax oo ay wadeen dadka shacabka ah oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland, halkaas ay ku dhinteen ku dhawaad toban qof oo rayid ah kadib markii ay toogteen ciidamada Somaliland.

Somaliland ayaa ciidamadeeda kala baxday magaalada asbuucii hore, balse weli waxay ku suganyihiin meelo kamid ah magaalada iyo duleedkeeda.

Isimo iyo waxgarad ayaa dhawaan baaq ay soo saareen u jeediyay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada iyo dhammaan gobolka kadib shir ka dhacay Laascaano oo uu qabanqaabiyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo fadhigiisu yahay Laascaano.

Laascaano oo ah xarunta gobolka Sool ayaa ciidanka Somaliland ay la wareegeen sanadkii 2007.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*