Madaxweyne Deni oo magacaabay shan kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay shan kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland.

Asbuucii la soo dhaafay, baarlamaanka Puntland ayaa soo magacaabay afar kamid ah guddiga.

Guddiga ayaa isku noqonaya sagaal xubnood oo magacyadoodu yihiin sidatan:

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq 
2. Sahra Jaamac Saalax 
3. Cali Jaamac Faarax 
4. Cabdullaahi faarax Mire 
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle 
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed 
9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Waxa uu noqon madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland oo soo dhisa guddiga doorashooyinka sanadkiisii ugu horeeyay ee xafiiska.

Puntland oo horaantii bishaan Agoosto u dabaaldegtay asaaska sanadguuradeeda 21-aad ayaan weli hirgalin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Baarlamaan ay soo dhiseen odayaal dhaqameed ayaa doorta madaxweynaha tan iyo sanadkii 1998.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*