Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo musuqmaasuq ku eedeeyay haayadaha gargaarka ka howlgala Soomaaliya

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaarta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa haayadaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya ku eedeeyay musuqmaasuq.

“Arrimihii gargaarka waxay noqdeen wax laga ganacsado, weliba dadka ka shaqeeya, maahan dadka deeqda bixiya, waayo haayadaha ayay u soo dhiibaan, marka waa haayadaha waxa la habsaamay shaqada,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 12 sanno ee u dambeysay ay ku baxday $8 bilyan oo gargaar ah gudaha Soomaaliya, haddana ay dhibbatadii taagantahay ayna sii kordhayso.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan la xisaabtamin haayadaha ka shaqeeya gargaarka, aanan miiska loo saarin mudnaanta ay Soomaaliya u baahantahay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*