Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulka Somaliland wadahadalo kula leh dalka Jabuuti

Kulanka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.[Isha Sawirka: Twitter/Ismail Omar Guelleh.]
Jabuuti-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah wadahadalo kula yeelatay maamulka Somaliland dalka Jabuuti.

Wefdi uu kamidyahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, si lamid ah Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti. Wadahadalada ayaa daba socda dadaalo hore oo dhexdhexaadin ah.

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’een Soomaaliya horaantii 1990 kadib markii dalka uu ka qarxay dagaalkii sokeeye, balse tan iyo xilligaas wax aqoonsi ah ma ay helin.

Dhowr wadahadal oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa fashilmaay sanadihii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*