Kalafadhiga labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kalafadhiga baarlamaanka. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntand Mirror) Kalafadhiga labaad ee baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga furmay gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kalafadhiga, waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Farmaajo oo khudbad dheer ka hor jeediyay baarlamaanka ayaa kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan waxqabadka dowladdiisa mudadii ay jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda ay ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay ku guulaysatay dhameystirka dib u hanashada maamulka hawada Soomaaliya oo ay hawsheedu meel fiican mareyso, heshiisyo ku saabsan xal u helista maxaabiis Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibaddiisa iyo dib-u-hanashada saxiixa deeqaha loogu talagalay Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga dalka, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka caalamiga ah, tayeynta hay’adaha dowladda iyo dib-u-heshiisiinta.

Ugu dambayna Madaxweynaha ayaa ka codsaday baarlamaanka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay kukuumadda hor keeni doonto baarlamaanka inta uu socdo kalfadhigan si loo dardar geliyo hawlaha qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*