Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo u safray dalka Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo. [Xigashada Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah u safray dalka Jabuuti.

Farmaajo ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaana safarkiisu uu qaadan doonaa muddo labo maalmood ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

Jabuuti oo ah dal yar oo kuyaala Geeska Afrika, ayaa kamid ah wadamada ku tabarucay ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta ku jooga gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*