Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in dhiibistii Qalbi-dhagax ee Itoobiya ay ahayd ‘sharci daro’

Sawirka: Cabdikariim Muuse (Qalbi Dhagax).

Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in dhiibistii Qalbi-dhagax ee Itoobiya ay ahayd “sharci daro”.

Guddi baarlamaanka uu u xilsaaray baaritaanka dhiibistii Qalbi-dhagax ayaa maanta oo maanta oo Sabti ah baarlamaanka kahor akhriyay natiijadii baaritaankoodii ku sheegay in dhiibista ay ahayd mid sharci daro ah.

Guddiga ayaa xusay in heshiiskii xukuumaddii Xasan Shiikh Maxamuud oo ay xigatay xukuumadda talada haysa uu ahaa mid aan ahayn maxabiis is-weydaarsi balse uu ahaa heshiis dhinaca nabadgelyada ah oo ku saabsan deegaanada xuduuda ee u dhaxeeya labada dal.

Ku dhawaad 160 xildhibaan oo kulanka maanta fadhiyay ayaa cod gacantaag ah u qaaday natiijadda guddiga soo gudbiyeen, ilaa 152 xildhibaan ayaa taageeray.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in ONLF uusan ahayn urur argagixiso.

Bishii August ee sanadkan, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Cabdikariim Shiikh Muuse oo loo yaqaan Qalbi Dhagax oo ahaa sargaal katirsan ONLF u gacan gelisay Itoobiya. ONLF ayaa ah urur ka dagaalama deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxayna raadinayaan in ay Itoobiya ka madax banaanaadaan.

Arrinta dhiibista Qalbi-dhagax ayaa dhalisay buuq iyo caro badan oo ay muujiyeen dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Horaantii bishii September ee sanadkan, dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay dhiibista Qalbi-dhagax qaab sharci ah, iyaga oo sheegay in Qalbi-dhagax uu ahaa sarkaal sare oo katirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*