Baarlamaanka Puntland oo magacaabay afar kamid ah guddiga doorashooyinka

Guddoonka baarlamaanka Puntland. [sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah magacaabay afar kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday xafiiska afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo.

Magacyada afarta xubnood ayaa kala ah:

1. Guuleed Saalax Bare

2. Jaamac Xirsi Faarax

3. Xafso Salaad Maxamed

4. Cabdirisaaq Axmed Siciid

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ka kooban sagaal xubnood, shanta kale ayaa la filayaa in dhawaan uu soo magacaabo madaxweynaha.

Dabayaaqadii bishii June ee sanadkan, guddigii hore ee doorashooyinka Puntland ayaa xilka iska-casilay kadib iyaga oo aan qaban wax shaqo ah oo muhiim ah tan iyo markii la magacaabay sanadkii 2016.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*